Taliyaha Qaybta 4-aad ee AMISOM ee ku sugan gobolka Hiiraan Korneel Cabdiraxmaan Cabdi Dhimbil ayaa markii ugu horeysay qiray in qaar ka tirsan ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya aysan ka tirsanayn ciidamada AMISOM.

Korneel Cabdiraxmaan ayaa waraysi uu siiyey VOA-da waxa uu ku sheegay in go’aanka ay ciidamada Itoobiya kaga baxeen magaalada Halgan uusan ahayn mid ka yimid AMISOM balse ciidamada Itoobiya ay amarkaasi ka heleen magaalada Addis-Ababa. Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in dawlada Soomaaliya qeexdo doorka ciidamada Itoobiya ee aan ka midka ahayn AMISOM.
Taliyaha ayaa sheegay in tagista Halgan aysan markii horeba ahayn howlgal Amisom, balse ayaga oo ku guda jiray howl gal ay jidka ku furayaan ay sii raaceen ciidamada Ethiopia, kadibna ay halkaas qabsadeen. Ciidamada Ethiopia, ayuu sheegay inay ku shaqeynayeen barnaamij Addis-Ababa laga soo siiyey oo uusan shaacin waxa uu ahaa.
Korneel Dhimbil ayaa sheegay in ciidamada Amisom ee Jabuuti ee tagay Halgan ay ahaayeen tiro aad u yar, oo aan kaligood ku filneyn joogitaanka Halgan.
“Markii ay ciidamada Ethiopia baxeen, ciidamadeena waan ku hayn karin waynay Halgan, maadaama ay ahaayeen tiro aad u yar” ayuu taliyaha u sheegay VOA-da. Waxa kale oo uu ku warramay inay si kasta ula hadleen ciidamada Ethiopia, balse ay ku kari waayeen inay sii joogaan.
Si katsaba, waxa uu ballan qaaday in ciidamada Amisom ay dib u qabsan doonaan Halgan iyo deegaanada kale ee gobolka Hiiraan oo ay joogaan Al-Shabaab, islamarkaana ay dib u furi doonan waddooyinka xiran sida waddada isku xirta Beledweyn iyo Buul-Burde.
Ciidamada Amisom ee ka baxay Halgan ayaa iminka ku sugan deegaanka Booco, sida uu sheegay taliyaha.
Hoos ka dhageyso wareysiga taliyaha VOA la yeelatay
Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Federaalka C/qaadir Sheekh Cal Diini oo VOA wax ka weydiisay inuu wax ka og-yahay ciidamo Itoobiyaan ah oo aan ka mid ahayn AMISOM oo ku sugan gudaha Soomaaliya ayaan jawaanb waafi ah ka bixin, wuxuuna sheegay mararka qaar xiriir la sameeyaan kuwa AMISOM. Wuxuu intaas ku daray in ciidamada kale xiriir yeelan karaan oo aan la oran karin inaysan xiriir la yeelan karin.
Xigasho: VOA
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]