Taliyaha ciidamada Booliska Jen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa tegay xarunta Dugsiga Hoyga Xamar ee mgaalada Muqdisho oo ay saaka aroortii burburin ka fuliyeen ciidamo ka tiran Booliska si loogu wareejiyo Ganacsato.
Taliyaha oo ardayga iyo maamulka Dugsiga kula hadlay goobta laga burburiyey ayaa sheegay inay ka xun yihiin wixii halkaasi ka dhacay, ayna tallaabo ka qaadayaan ciidamadii falka burburinta ku qaaday Dugsiga, ayna u aqoonsan yihiin xarun dowladeed oo markii loo baahdo loo mari doono dariiq sharci ah.
Taliye Xijaar ayaa sheegay inay arrintan u soo direen Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha oo dhowr jeer lasoo xiriiray, isla markaana uu raaligelin ka bixinayo wixii ka dhacay Dugsiga Hoyga Xamar.
Ciidamada falka ku dhaqaaqay ayuu sheegay inuusan ka war qabin, balse ay maqli doonaan tallaabada laga qaado maalmaha soo socda, wixii khasaare ah ee gaarayna uu kula laaban doono madaxda dowladda sida uu yiri.
