Wednesday, June 25, 2025

Taliyaha Booliska oo si lama filaan ah xilkii uga qaaday Taliyihii Ciidamada Taraafikadda

Taliyaha Ciidamada Booliska Jen. C/xakiin Daahir Siciid ayaa mar kale xilka ka qaaday taliyihii Ciidamada Taraafikada Jen. Cali Maxamed Xirsi (Cali Gaab).

Arrintan ayaa ka dambeysay iyadoo muddo 3 bilood oo qura uu xilka hayay taliye Cali Gaab, markii labaadna uu xilkaasi dib ugu soo laabtay, laakiin waxaa kasii daran in xil ka qaadista lagu wargeliyay xilli uu shaqo ku jiray, looguna sheegay farriin SMS ah.

Ma jirto wareegto weli laga helay taliska booliska, laakiin waxaa xil ka qaadistan xaqiijiyay xubno ku dhow taliska Booliska Soomaaliyeed, waxayna dhaceysaa xilli fadeexado ku soo baxeen Taliye Saacid oo laf ahaantiisa ku sigtay in xilka laga qaado.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in taliyaha Ciidamada Taraafikada ee Ilaalada Waddooyinka mar kale dib loogu soo celiyay Col. Cali Maxamed Cali oo hore loo qaaday.

Gen. Saacid ayaa xilka ka qaaday in badan taliyeyaasha ciidamada Booliska, isagoo ku bedelay saraakiil ay hore u soo wada shaqeeyeen oo saaxiibo la ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON