Taliyaha ciidamada Asluubta Jen. Mahad ayaa ka hadlay is-rasaaseyn galabta ka dhacday bar ay joogaan ciidamada Asluubta ee u dhow Kawaanka Malayga ee Xamarweyne.
Taliyaha ayaa sheegay in arrintu u dhacday si lama filaan, isla markaana aysan jriin cid loogu taloglay, ayna ka raali gelinayaan Madaxweynihii hore Xasan Sheekh iyo shacabka.
“Madaxweynihi hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud ilaalo la socotay oo ogaal la’aan jidka haysayayaa waxaa ku qaldamay ciidanka asluubta, khaladkaas cid kasta haka yimaado.. xabbadii rag baa tegay, xitaa madaxweynaha waa ka qeyb qaatay Gaarigiisa ayuu ka degay, xabbadiina waa la joojiyey.. in khaladkaas cid loogu talogalay ma jirin..” ayuu yiri Taliyaha ciidamada
Wuxuu sheegay taliyaha in arrinta dhacday ay shil ahayd oo aysan jirin cid loogu talogalay, ayna ciidamada Asluubta Soomaaliyeed oo faah faahin ka bixiyey sababtii keentay in ay isku dhacaan ciidan ka tirsan asluubta iyo ciidan ilaalo ka hayaan goobta si looga hortago qaraxyada.
