Taiyaha cidamada Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Maxamed ayaa shaaciyey in la helay gabadhii maqneyd ee Amaal Nuur Cismaan oo ka maqneyd hooyadeed Amran Xalane, isagoo sheegay inay ku jirto gacan amni ah.
Taliyaha ayaa sheegay in Amaal Nuur Cismaan ay tahay 18 sano jir ee aysan ahayn sidii ay hooyadeed sheegtay oo ah inay 14 sano jir tahay, wuxuuna sheegay in markii ay kasoo baxsatay xaruntii dhaqancelinta la waayay, laakiin hadda la helay oo ay gacanta ku heyso Hay’ad daryeesha Gabdhaha oo lagu magacaabo “Center for Women Development”.
Taliyaha ma faahfaahin qaabka ay Hay’adda u heysay gabadha la raadinayey muddo laba bilood ku dhow, sababta ay ula xiriiri waayeen waalidkeed iyo sida ay hay’adaasi ugu gacan gashay, laakiin wuxuu ku dooday inaysan ciidamo hayey sida ay hooyadeed sheegtay.
HOOS KA DAAWO