Wednesday, July 30, 2025

Taliyaha Ciidamada Booliska shaaciyey inay Dableydii ka xoreeyeen inta badan Hotelka Dusit [Wararkii ugu danbeeyay]

Taliyaha Ciidamada Booliska Kenya Joseph Boinnet oo goor dhoweyd ka hadlay wararkii ugu danbeeyay ee howlgalka oo ka socda Hotelka Dusit2 ee magaalada Nairobi.

Afhayeenka ayaa sheegay in weerar qorsheysan lagu soo qaaday hotelka Dusit, isla markaana saddex Gaari oo waxyaabo qarxa laga soo buuxiyey loo adeegsaday oo ay dhaawac kasoo gaareen dad dhowr ah.

Wuxuu sheegay in ciidamada amniga Kenya ay gacanta ku hayaan 6 Dabaq oo ka mida 7 dabaq oo ka mida hotelka Dusit, isla markaana ay wadaan howlgalkii dabaqa ugu danbeeya, howlgalkuna ay qeyb ka yihiin ciidamada gaarka ah ee Kenya.

Wuxuu dadka Kenya uga digay inay faafiyaan sawirrada iyo muuqaallada cabsida dhalinaya ee xaaladda uga sii daraya, wuxuuna sheegay in laag hortago sawirrada lagu faafinayo baraha bulshada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON