Monday, June 23, 2025

Taliyaha Ciidamada Danab: “Qofna kama laaban Shabaabkii soo weerarray Balidoogle…” Sawirro+Dhageysi

Taliyaha Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Danab Gaashaanle Cabdiraxmaan Cumar Warsame (Jeeni-qaar) ayaa faahfaahin ka bixiyey weerarkii Alshabaab ku qaadeen Saldhigga Ballidoogle.

Taliyaha oo wareysi siiyey VOA-da sheegay inaysan qofka ka fiigin dhammaan maleeshiyada Al-Shabaab ee weerarka kusoo qaaday Ballidoogle, ayna hayaan qalab iyo meydad badan, isagoo beeniyey in wax qasaare oo soo gaaray ciidamada dowladda Soomaaliya oo xitaa aysan soo gaarin Derbiyada Saldhigga Balidoogle.

Taliye Jeeni-qaar ayaa caddeeyay in laba baabuur ay ku qarxeen iridka hore oo dad shacab ah ay isku soo dhex dareen, halka laba baabuur oo kale iyo maleeshiyo lug ah ay isku dayeen weerarka dhamaantoodba la baab’iyey oo la fashiliyey weerarkii.

Taliyaha Danab Gaashaanle Cabdiraxmaan Cumar Warsame Jeeni-qaar ayaa waxba kama jiraan ku sheegay sheegashada Alshabaab ee ah inay dileen askar ka badan 100 askari, isagoo weydiiyay inay wax caddeyn ah u keenaan.

DHAGEYSO TALIYAHA DANAB

Image may contain: sky, outdoor and nature
Image may contain: fire, sky, outdoor and nature
Image may contain: outdoor and nature

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON