Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Gen. Maxamed Tahliil Biixi ayaa faahfaahin ka bixiyey dagaalkii xalay iyo maanta ka dhacay magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ee dhex maray ciidamo taabcsan Jubbaland iyo kuwa dowladda.
Wuxuu sheegay inay dagaalka habeennimo sii qaadeen, iyaduna ay u sugeen ilaa aroornimadii, laguna jebiyey dagaalka ciidamadii soo weerarka soo qaaday oo saddex jeer uu sheegay inay soo rogaal celiyeen, saddexdii jeerna lagu jebiyey oo qasaare badan la gaarsiiyey, maxaabiis fara badanna laga qabtay.
“Aad baan annagu u taxadarnay, Sarta ay galeen Hormuud baa iska lahayd,, waan burburin karnay intaan madaafiic qaadano iyo qoryaha Anti-tank, laakiin waxaa noo muquatay in meesha ay ku jiran ay tahay hanti umadeed, waxaan amar ku bixinay inaan la burburin hantida umadda..” ayuu yiri Taliye Biixi.
Taliyaha ciidamada dhulka ayaa sheegay in ciidamada maxaabiista ah ay in badan oo ka mida hore ula soo xiriireen ciidamada dolwadda oo ay ahaayee kuwo suagyey fursad ay ku soo baxsadaan, loona tababarri doono ciidan ahaan.
HOOS KA DAAWO