Friday, July 11, 2025

Taliyaha ciidamada Uganda ee AMISOM oo ka digay Qorsha UN-ka ee lagu dhimayo Ciidamada AMISOM

Taliyaha Ciidamada Uganda ee Qeybta koowaad ee AMISOM Gen. Paul Lokech ayaa ka digay qorshaha UN-ku dejiyay ee lagu dhimayo ciidamada AMISOM.

Isagoo la hadlayey saxafiyiin ka socda Uganda oo ku booqday xaruntiisa Muqdisho ayuu sheegay in xilligan ay khalad tahay in la dhimo ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya, wuxuuna ku dooday in ciidamada Soomaaliya aanay diyaar u ahayn xilligan inay AMISOM kala wareegaan mas’uuliyadda.

Taliyaha ciidamada Uganda ee Sector-ka koowaad eeAMISOM Gen. Paul Lokech ayaa ku adkeystay inay u baahan yihiin waqti dheeraad ah oo ay ku diyaariyaan ciidamada Soomalaiya, isagoo ka digay in ciidamada AMISOM ee la dhimayo ay dib u dhac ku keento xaaladda Soomaaliya.

Qorshaha Qaramada Midoobey ayaa wada qorshe lagu yareynayo ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya, waxaan sanad kasta la dhimayaa  1,000, iyadoo qorshuhu yahay in Ciidamada AMISOM ay Soomaaliya ka wada baxaan sanadka 2021.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON