Thursday, June 26, 2025

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka oo ka hadlay Xaqiiqada Qoraal uu ku fasaxay Lacagtii la qabtay ee Imaaraadka [Dhageyso]

Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka ayaa ka hadlay lacagta 8-dii Bishan lagu qabtay Garoonka Magaalada Muqdisho ee Imaaraadku waday oo Qoraal uu ugu fasaxayo ay faafisay Imaaraadka ee Muqdisho.

Lacagtaas oo gaareysay 9.6 Milyan oo Doolar ayuu sheegay Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) inuu subaxdii Axadii qoray qoraalka, balse markii la rabay in la hubiyo ay diideen.

Sida warqadda ay ku qornayd, Gorod, waxa uu ku sheegay inay uga imanaysay magaalada Boosaaso, looguna talagalay iney ku baxdo Ciidamda ay Gacanta ku hayaan Imaaraatka Carabta iyo Tasiilaadka ay u baahan tahay Safaaradooda ku taala Magaalada Muqdisho.

Jeneraal Gorod, wuxuu ku doday inuusan ogeyn sababta loo baaray iyo sida markii hore loola macaamili jiray, isagoo sheegay  in haatan baaris ay ku socoto lacagta la qabtay ee Sagaalka milyan iyo barka ah, lagana war sugo waxa ka soo baxa baaritaanada.

DHAGEYSO WAREYSIGA TALIYAHA EE VOA-DA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON