Monday, June 23, 2025

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka oo tegay Guriga Senator Cabdi Qeybdiid & War uu soo saaray

Taliyaha ciidamada xoogga dalka C/weli Jaamac Gorod ayaa tegay Guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo maanta ay galeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo Imaaraadku tababarray.

Taliyaha ayaa sheegay in la baari doono ciddii ciidamadaasi soo dirtay iyo falkii ay sameeyeen isla markaana tallaabo sharci ah laga qaadi doono, isagoo tilmaamay in ciidamada ay qasaare u geysteen Guriga.

“Waan ka xunahay inay dhacdo arrintan, laakiin waxaan qabtaa dadkii geystay iyo ciddii soo amartay inay ujeedo ka lahaayeen, arrintaas waa ka daba tegaynaa , waa lasoo qabanayaa. ma ahayn wax la filayay dowladda iyo madaxda oo dhan ayaa ka xun..” ayuu yiri Taliyaha ciidamada xoogga dalka.

Ad

Taliyaha ayaa balanqaadaya in ciddii ka danbeysan la helo isla markaana ciqaabteeda la mariyo sida uu yiri.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON