Taliyaha ciidammada xoogga dalka Soomaaliya Janaraal Cabdiweli Jaamac Xuseen Gorod ayaa faray ciidammada xoogga inay u hoggaansamaan dhowridda xeerka caalamiga ee xuquuqda aadanaha marka ay samaynayaan howlgallo militari.
Gen. Cabdiweli Jaamac Xuseen Gorod ayaa digniin ku bixiyay in ciidammada aanan ilaalinin xuquuqda aadanaha lala tiigsan doono maxkamad. Xeerka dhowridda xuquuqda aadanaha waxaa kamid ah difaacidda shacabka iyo in aanan burbur loo gaysanin hantida shacabka marka ay howlgallada socdaan.
“Marka aad sugayso ammaanka oo aad dagaal kula jirtid kooxaha maleeshiyaadka, waxaa jiraa xeer caalami ah oo lagaa doonayo inaad ilaalisid kaaso mas’uuliyad kaa saran in aad dhowrtid..” ayuu yiri taliye Gorod oo ciidamo kula hadlay Muqdisho.
Saraakiil sare oo ciidan oo ka socday howlgalka nabad sugidda ee AMISOM ayaa kamid ahaa saraakiishii ka qayb gashay munaasabad ka dhacday Akadeemiyadda tabbabarka militariga ee ku taalla magaalada Muqdishu halkaaso ciidammada loogu sharxayey ciidamada waxaa uu yahay ‘xeerka caalamiga ah ee ilaalinta xuquuqul insaanka’.