Thursday, June 26, 2025

Taliyaha ciidamada Xoogga oo Bariire uga dhawaaqay Dagaal lagu qaadayo Alshabaab

Taliyaha ciidamada xoogga Gen. Maxamed Axmed Jimcaale (Cirfiid) ayaa maanta tegay degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Taliyaha oo ay wehliyaan saraakiil sare oo ka tirsan Milateriga ayaa kormeedkoodu la xiriiraa sidii ay xogohaal ugu noqon lahaayeen xaaladda ciidamada ku sugan aagga Bariire oo dhowaan weerar culus kala kulmay alshabaab, lagana dilay askar badan.

Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha iyo saraakiisha la socota  ay la kulmeen taliyeayaasha aagga Bariire ee Ciidanka Xoogga, iyadoo warbixin ka dhageystay xaaladda degaankaasi iyo baahiyaha ciidanka.

Gen. Cirfiid ayaa ciidamada ku wargeliyay in la qaadi doono howlgal balaaran oo lagu baacsanayo Al-Shabaab, ujeedkiisun yahay in laga xoreeyo dhulka ay ka taliyaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON