Friday, July 4, 2025

Taliyaha Ciidamadda Xoogga Dalka oo shaaciyey tirada lagu dilay Qaraxii Xerada ciidamada Jen. Dhago-badan

Taliyaha ciidanka xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raage ayaaka hadlay khasaaraha ka dhashay qarixii is-miidaaminta ee maanta ka dhacay xerada ciidanka ee Generaal Dhaga-badan ee Gobolka Banaadir.

Jen. Odawaa ayaa sheegay in 10 qof ay ku geeriyoodeen qaraxa, ayna ku dhaawacmeen 20 kale, markii qof is ku soo xiray waxyaabaha qarxa uu soo dhex galay dhalinyaro doonaysay inay ka mid noqdaan ciidanka xoogga dalka.

“Allaha u naxariisto waxaa dhimatay 10 kamid dhallinyaro dooneysay in ay ku biiraan ciidamada xoogga dalka waxaana dhaawac soo gaaray 20 kale kuwaa oo ku sugnaa banaanka koontarool-ka laga galo xerada Ciidanka ee General Dhaga badan, dhallinyarada ayaa sugeysay Baaritaanka ka hor inta uusan dhex galin qof naftii halige ah” ayuu yiri General Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbaahinta dowladda.

Qaraxa maanta lala beegsaday xerada ciidamada ayaa waxaa geystay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa oo iska dhigay qof doonaya in loo qoro ciidamo, waxaana uu galaaftay nolosha dad badan, iyadoo tirada dhimashada la gaarsiinayo ilaa 20 qof.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON