Taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM Jeneraalka dhowaan xilka la wareegay ee reer Jabuuti Cusmaan Nuur Subagle
ayaa sheegay in loo baahan yahay in Alshabaab lagula dagaalamo deganadooda ay iska soo abaabulaan, lana go’doomiyo si shacabka looga badbaadiyo.
“Waa inaan qaadnaa tallaabooyin aan kula dagaalameyno Alshabaab, waa in lagu burburiyaa goobaha ay isku qariyaan, waa inaan ka go’doominaa dadka intiisa kale, si aan awood ugu siino shacabka inay nabad heleen dibna u dhistaan dalkooda…” ayuu yiri Jeneraal Subagle oo intaas ku daray inay ciidamada Soomaalida ka caawin doonaan xoreynta dhulka ku harsan gacanta Alshabaab.
Warkan ayuu taliyaha cusub ee AMISOM ka sheegay xaflad cash sharaf ah oo loo sameeyay soo dhoweyntiisa ayna ka qeybgaleen wasiirka amniga dowladda Soomaaliya C/risaq Cumar Axmed, iyo taliyeyaasha ciidamada Milateriga, Booliska iyo Nabadsugidda Soomaaliya. Waxaa kaloo cash sharafta goobjoog ka ahaa wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ambassador Francisco Madeira.
Wasiirka Amniga ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in ciidamada AMISOM loo magacaabo taliye Subagle oo uu ku tilmaamay nin isbedel keeni kara, maadaama uu yahay nin fahmi kara dhaqanka iyo caadooyinka Soomaalida, isla markaana ku hadla afka Soomaaliga.
Taliyaha ciidamada Soomaaliyeed Gen. Maxamed Aadan Axmed ayaa sheegay ayaa balanqaaday in ciidamada Soomaaliyeed ay si buuxda ula shaqeyn doonaan taliska iyo ciidamada AMISOM.
SAWIRRO
Goobjooge.com