Taliyaha cusub ee Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika – AFRICOM Gen. Stephen Townsend ayaa shalay socdaal aan hore loo shaacin ku yimid Soomaaliya, isagoo booqday Muqdisho iyo saldhigga ciidamada Marrykanka.
Safarka Taliyaha ayaa ah kii ugu horeeyay ee uu afrika ku yimaado tan iyo markii la magacaabay aakhirkii bishii July, wuxuuna la kulmay saraakiisha Ciidamada Maryekanka ee jooga Soomaaliya, safiirka Mareyanka ee Somalia Donald Yamamoto iyo Ra’isul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
“Waxaan la shaqeyn doonaa, oo sii xoojin doonaa xiriirkeenna Soomaaliya… annagoo kaashanaeyna Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamka waxaan cadaadis joogta ah saari-doonnaa aragixisada Al-shabaab” ayaa laga soo xigtay Taliyaha cusub ee AFRICOM.