Saturday, July 12, 2025

Taliyaha cusub ee Ciidamada Mareykanka ee ka howlgala Afrika (AFRICOM) oo xilka la wareegay

Taliyaha cusub ee ciidamada Mareykanka ee ka howlgala Afrika (AFRICOM) Gen. Michael E. Langley ayaa maanta la wareegay xilka.

Taliyaha taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa xilka kula wareegay xaflad ka dhacday magaalada Stuttgart ee dalka Jarmalka oo Mareykanku saldhig ciidan ku leeyahay.

“Waxaan rajeynayaa in aan qaato mas’uuliyadda hoggaaminta xirfadlayaashan kartida leh ee AFRICOM iyo dhammaan qaybaheeda kala duwan, innaga oo garab taagan saaxiibadeena iyo xulufadeena si aan u horumarinno nabadda iyo barwaaqada Afrika iyo Maraykanka labadaba.”

Gen. Langley ayaa noqday taliyihii lixaad ee AFRICOM, tan iyo markii taliska la aasaasay 2008, waana sarkaal kasoo qalin jebiyey jaamacadda University of Texas ee Arlington ayaa markii ugu horreysay kusoo biiray ciidamada Mareykanka 1985-kii.

Munaasabadda xil-wareejinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Lloyd J. Austin III iyo 400 oo marti oo ka kala yimid caalamka oo idil.

Hadal uu ka jeediyey munaasabadda ayuu Austin ugu mahadceliyey taliyaha xilka ka degay ee AFRICOM Gen. Stephen Townsend, isaga oo ku ammaanay hoggaamintiisa ka go’naansho ee saddexdii sano ee lasoo dhaafay.

Taliska AFRICOM ayaa ah mid ka mid ah toddobada talis ee Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka, wuxuuna mas’uul ka yahay howlgallada dagaal, dhoolatus, iskaashiga amni, ka jawaabidda xasaradaha deg degga ah ee Africa iyo sare u qaadista danaha Mareykanka ee gobolka.

Taliska AFRICOM ayaa dowladda Soomaaliya ka caawiya la-dagaalanka kooxda Al-Shabaab, ayaga oo fuliya duqeymo ka dhan ah kooxdaas, sidoo kalena tababar siiya qaar ka mid ah ciidamada Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON