Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Gen. Daahir Aadan Cilmi (Indho-Qarshe) ayaa shaqadiisa guda galay, wuxuuna maanta kormeer ku tegay Cisbitaalka Xoogga Dalka.
Taliyaha Ciidanka xoogga ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee cisbitaalka, iyadoo ay ka socdeen shaqo Maalmeedka caadiga ah. Dr. Mahad Cabdullaahi Nuur, Madaxa Hogaanka Caafimaadka ee cisbitaalka xoogga ayaa ka warbixiyay baahiyaha ka jira cisbitaalka,wuxuuna carabka ku dhuftay iney jiraan baahiyo kala duwan loona baahan yahay in si wadajir ah wax looga qabto.
Taliye Indho-Qarshe ayaa sheegay in la dhisi doono Cisbitaalka weyn ee ciidamada xoogga dalka, isla markaana dhalinyarada Soomaaliyeed loogu sameyn doono shaqo abuur, taasi oo qeyb ka mid ah taliska dhiira gelin ugu sameynayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee waxbartay.
Waxaa kaloo uu Taliyaha cusub tegay Villa Baydhaba, Qeybta saadka ee ciidanka xoogga dalka, wuxuuna Salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga dalka, isagoo warbixin ka dhageystay taliyaha Hogaanka Saadka Ciidanka Xooga dalka Gen. Maxamed Maxamuud Xuseen.