Taliye Cusub ayaa loo magacaabay Ciidanka Nabadsugida Qaranka ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana talyaha cusub lagu magacaabaa C/qaadir Cabdullaahi Xaayoow.
Taliyahan oo xilka la wareegay ayaa magacaabidiisa ka dambeysan kadim markii taliyihii hore C/weli Ibraahim uu toogasho ku dilay mid ka mida ilaaladiisa. Waxaa magalaada Jowhar lagu qabtay munaasabad kooban oo xil wareejin ah, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen saraakiisha Hay’adda Nabadsugida iyo maamulka Gobolka.
Taliyahan cusub ee ciidanka NISA ee Gobolka Shabeeaha dhexe ayaa xilal ka duwan ka soo qabtay gobolka Banaadir. Waxaana la sheegay inuu yahay sarkaal qaban kara xilka loo dhiibay.
Goobjooge.com