Taliyaha Saldhiga Xamarweyne ayaa ku gacan seyray xil ka joojin uu ku sameeyay wasiirka Amniga Gudaha oo ku xigeenkiisii u magacaabay inuu si KMG ah xilka u sii hayo.
Taliyaha saldhigga Xamarweyne G/lle Dhexe Cabdiqaadir Axmed Shire ayaa sheegay in wasiirka Amniga aanu awood iyo sharci midna u lahayn inuu xil ka qaado oo taliyaha Booliska uu shaqada ka qaadi karo.
Wasiirka Amiga Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa shalay soo saaray amar uu shaqada uga joojiyay Taliyaha Saldhigga Booliska X/weyne, isagoo ku xigeenkiisii Gaashaanle Siidow Macallin Isaaq u magacaabay inuu xilka sii hayo.
Shaqo ka joojinta Taliyaha ayaa la sheegay inay ka danbeysay markii wasiirku saqdii dhexe ee habeen hore booqday Saldhigga, isagoo la kulmay taliyaha oo xaalad dayac ah ku sugnaa.
Taliye G/lle Dhexe Cabdiqaadir Axmed Shire (Matooto) ayaa hore ugu lug yeeshay falal anshax darro ah, marna wuxuu sheegay inay jir dileen ciidamada ilaalada taliyihii hore ee Milateriga.
Goobjooge.com
Abwaan Guure oo soo bandhigay muuqaalka Taliye Saldhig oo la jir dilay..! [SAWIRRO]