Taliyaha Ciidamadda Taraafikadda Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) ayaa ku amray dadka gawaarida ku dhex wata magaalada inay magacoodu ku qortaan.
Isagoo Warbaahinta la hadlay ayuu sheegay in howlgalladii ay ka wadeen wadooyinka Muqdisho ciidamada Taraafikadda ay tallaabo ka qaadeen baabuurtii la dhigi jiray dhinacyada wadooyinka.
Wuxuu caddeeyay in gaarigii ay qabtaan in qof kasta oo sheeganaya laga rabo inuu wato buuga lahaanshaha gaariga oo magaciisa ku qoran yahay, wuxuuna ku hanjabay qofkii aan la imaan lahaanshaha aan la siin doonin, loona qaadan doono inuusan lahayn.
Taliye Cali Gaab ayaa sheegay inay jiraan baabuur la kala qaato oo markii la kala iibsado kadib aan lagu caddeyn qofkii iibsaday gaariga, wuxuuna ugu hanjabay inuusan qofka wadan karin gaari aanu Magaciisa ku qorneyn.