Taliyaha ciidamada Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi iyo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa tegay furimaha dagaalka ee aaggaga Maxaas iyo Moqokori, iyagoo halkaas kula hadlay ciidamada dowldda iyo Maleeshiyada Degaanka.
Waxaa wehliyey aliyaha qeybta 27-ee Ciidamada Xoogga Jen. Tawane Axmed Maxamed iyo Odayaasha degaanka, waxayna ciidamada dib-u-xoreynta degaanka u jeediyeen khudbado dhiirigelin ah oo ay ku adkeeyene inay dagaalka sii wadaan.
Arrintan ayaa timid, kadib khilaaf soo dhex galay ciidamada degaanka oo keenay inay dib uga gurtaan Moqokori, kadibna lagu arkay maleeshiyada Alshabaab, taasoo keenay in si degdega loo farageliyo arrintan.
Jeneraal Biixi ayaa u sheegay ciidamada degaanka ee ‘Beesha Xawaadle’ inay jebiyeen Alshabaab, kana adkaadeen, iyadoo geeriyoodooda dagaalkii Ceel-qooxle ay gaartay 70 ilaa 100, halka ay 71 dhaawac ah geeyeen Aadan Yabaal, sida uu yiri.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa si adag ula hadlay ciidamada degaanka iyo dad u usheega yinay ku dhex jiraan oo diidan howlgalka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee Hiiraan ka socda.
“Qof walba oo isku dayda in ay fashiliso kacdoonka shacabka Reer Hiiraan, waxaan ula dagaalameynaa sida aan ula dagaalameyno Khawaarijta Alshabaab” ayuu yiri Guddoomiye Cali Jeyte oo ku dhaartay intii ay dagaal u laaban lahaayeen inay uga fududahay inayu hore u socdaan.
