Taliska AMISOM ayaa sheegay in howlgal ay ciidamada AMISOM iyo Milateriga Soomaaliya ay fuliyeen howlgal ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose oo lagu dilay taliye Alshabaab ka tirsan.
Taliyaha laga dilay Ashabaab ayaa lagu sheegay inuu ahaa guddoomiyihii Alshabaab ee degaanka Aw-dheegle, Gobolka Shabellaha Hoose.
Sida uu sheegay Afhayeenka AMISOM Guddoomiyihii Shabaab ee Aw-dheegle ninka lagu magacaabo Maxamed Xasan ayaa dilkiisa ay iska kaashadeen AMISOM iyo ciidamada dowladda, iyadoo sidoo kale ay soo furteen Hub ay lahaayeen Xarakada Al-shabaab.
Howlgallada AMISOM, Mareykanka iyo ciidamada Soomaaliya ayaa bilaabay inay howlgallo lagu khaarijinayo madaxda Alshabaab ka fuliyaan gobolka Shabeelaha Hoose iyo Jubbooyinka.
Goobjooge.com