Koox dabley ah ayaa caawa toogasho ku dishay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. Falkan ayaa ka dhacay Xaafadda Nasteexo ee Degmada Wadajir, Gobolka Banaadir.
Sarkaalka ayaa lagu magacaabaa Col. Xasan Barre Raage oo ka mid aha saraakiisha ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Sida ay sheegeen goobjoogeyaal weerarkan ayaa dableyda geysatay ay ka baxsadeen goobta. Sarkaalkan ayaa wararka qaar sheegayaan inuu ahaa taliyaha ciidamada Xoogga dalka ee Xerada Afisiyooni.
Dhinaca kale nin la sheegay inuu hore uga tirsanaa ciidamada Nabadsugidda ayaa isna lagu dhaawacay caawa degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, kadib markii dabley hubeysan ay rasaas ku fureen, waxaana la sheegay inuu dhaawac culus kasoo gaaray.
Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay mas,uuliyada dilka sarkaalka oo ka mid noqonaya falal dilal iyo qaraxyo ah oo kooxdu ka fulisay caasimadda.
Goobjooge.com