Thursday, June 26, 2025

Taliye ka tirsanaa Dowladii Siyaad Barre oo Maxkamad lagu soo taagay Dalka Mareykanka [Warbixin]

Nin Soomaali ah oo deggan gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ayaa maxkamad ka dacweeyay Taliye ka tirsanaa dowladii Siyaad Barre oo lagu eedeynayo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, kuwaasoo uu gaystay xilli uu sarkaal sare ka ahaa dowladdii Gen.Maxamed Siyaad Barre.

Dacwadda oo ah madani ayaa loo heystaa Col. Yuusuf Cabdi Cali oo ahaa taliyihii Guutada Shanaad ee Ciidamadii Xoogga Dalka oo fadhigoodu ahaa degaanada Somaliland. Dacwadda ayaa toddobaadkan ka billaabatay maxkamadda federaalka ee magaalada Alexandria ee gobolka Virginia, waxaana dacwadda ku soo oogay Farhan Mohamoud Tani Warfaa.

Image result for yusuf abdi ali
Col. Yuusuf Cabdi Cali hadda waa darawal gawaarida Ubber

Farhan ayaa ku eedeeyey Yuusuf inuu jir-dilay, islamarkaanauu geeri ku sigtay sanaddii 1988-kii. Col. Yuusuf ayaa lagu eedeeyey inuu Farhan iyo rag kale oo dad’yar xiray 1987-kii, isaga oo wax ka weydiinaya haan biyo oo la waayey. Farhan ayaa sheegay inuu dhowr bil xirnaa, markaasi oo dhowr mar dharka laga dhigay lana garaacay, sida uu sheegay.

Farhan ayaa sidoo kale ku eedeeyey Yuusuf inuu dhowr mar toogtay islamarkaana askartiisa ku amray inay aasaan, isaga oo mooday inuu dhintay. Hase yeeshee, askartii ayaa garowsaday in Farhan weli nool yahay, waxayna kadib si qarsoodi ah ugu geeyeen qoyskiisa, ayaga oo taas ku beddeshay laaluush, sida lagu sheegay dacwaddan madaniga ah.

Yuusf ayaa markii ay dowladdii Soomaaliya dhacday sanaddii 1991-kii u qaxay dalka Canada, hase yeeshee waxaa laga soo masaafuriyey markii taleefishinka CBC ee dalkaas uu barnaamij ka diyaariyey eedeymaha loo haysto.

Wuxuu hadda muddo labaatan sano ka badan degan yahay gobolka Virginia. Qareenka u doodaya Yuusuf ayaa beeniyey dhammaan eedeymaha loo soo jeediyey.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTIISA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON