Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay inay jab weyn gaarsiiyeen maleeshiyada Alshabaab oo weerar ku qaaday saaka degaanka Bariire iyo degmada Awdheegle ee Gobolka Sh/Hoose.
Taliye Odowaa oo u warramay warbaahinta dowladda ayaa sheegay inay la jebiyey, qasaarana loo geystay Alshabaabkii weerarka soo qaaday. “Degmada Awdheegle iyo degaanka Bariire waxay Sharwadayaasha ayaa isku dayey inay weerar kusoo qaadaan, jab ayay kala kulmeen, waxaa yaalla meydkooda iyo dhaawacooda, ciidamaduna waa ku daba jiraan ilaa iyo hadda..” ayuu yiri.
Taliyaha ayaa sheegay inay soo bandhigi doonaan qasaaraha ka dhacay dagaalka, ayna ciidamada ku daba jiraan haraagii maleeshiyaadka weerarka soo qaaday sida uu yiri.
Alshabaab ayaa sheegatay in 47 askari ay ku dishay Saldhigga Bariirre, isla markaana ay la wareegtay hubkii iyo saanadii halkaasi taallay oo ay ku jirana lix gaadiidka dagaalka ah, sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka howlgallada Alshabaab, mana jirto cid xaqiijisay sheegashada labada dhinac.
