Wednesday, June 25, 2025

Taliye Xigeenka Sirdoonka Kenya: “Jubbaland waxaan u dhisnay inaan ku ilaalinno Amniga xuduudka Kenya..”

Nuuraddiin Yuusuf Xaaji oo xilligan ah taliye xigeenka Nabad Sugidda Kenya ayaa shaaciyey ujeedka ay dowladda Kenya u dhistay maamulka Jubbaland ee Koonfurta Soomaaliya.

Isagoo la hadlayay xildhibaanno ka tirsan Baalramaanka Kenay ayuu sheegay in Qorshaha Dowladda Kenya ee lagu dhisay Maamulka Jubbaland waxaa la dhameystiray billowgii Sanadkii 2010kii uu ahaa inuu difaaco xuduudka Kenya, isla markaana la helo degaanka xuduudka Kenya saaran oo laga difaaco danaha Kenya.

Ninkan oo qaabilsanaa dhismaha Maamulka Jubbalabnd oo la gabagabeeyay Bishii January sanadkii 2013kii, xilligaas oo magaalada Kismaayo ay isugu tageen Ergo dhan 522 Qof, kuwaas oo qaatay go’aan adag islamarkaana madaxweyne u doortay hoggaamiye kooxeed hore Axmed Maxamed Madoobe.

Barnaamijka lagu dhisay Jubbaland waxaa uu ahaa shaqada 19 sano ee Ninka lagu magacaabo Nuuraddiin Yuusuf Xaaji oo uu Madaxweyne Uhuru Kenyatta u magacaabay ku xigeenka Taliyaha Nabad Sugidda Kenya.

Nuuradiin waxaa uu shirguddoomiye ka ahaa kulan ay yeesheen Urur Goboleedka IGAD oo looga hadlayay xasilinta Soomaaliya,waxaana kulankaas ka dhashay Maamul Goboleedka Jubbaland.

Sooyaalka Nuuraddiin ayaa hadda waxaa ku xusan in waxqabadkiisa ay ka mid tahay dhismaha Maamul Goboleedka Jubbaland State of Somalia .

Nuuraddiin waxaa uu shirkaas ka sheegay in sugidda Amniga Kenya ay muhiim u tahay in la helo degaan u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya oo aysan Al-shabaab ku noolaan karin, taasoo ka imaneysa in la dhiso Maamul Goboleed ay dhisto Kenya hayeeshee hoostaga dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

WARKAN OO INGIRIIS AH KA AKHRISO HALKAN

We created Jubaland to secure Kenya’s borders, Deputy director of the National Intelligence Service and DPP nominee tells MPs

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON