Thursday, June 26, 2025

Taliyeyaasha ciidamada & Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo tegay Jowhar

Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in halkaasi ay maanta gaareen wafdi ka kooban taliyeyaasha ciidamada iyo Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka.

Wafdiga ayaa ka koobnaa Taliyaha ciidamada booliska Jen. Maxamed Sheekh, Taliyaha NISA Jen. C/llaahi Gaafow  iyo Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Cumar Dhagey, waxaana ku wehliyay saraakiil kale.

jowhar-wafdiUjeedada socdaalka madaxdan ayaa lagu sheegay in ay la xiriirto shaqaaqadii amni darro ee ka dhacay Doorashada magaalada Jowhar, taasoo keentay in la hakiyo howshii Doorashada ee ka socotay maamuka Hirshabeelle.

Xaaladda ammaanka goobaha doorashada ee magaalad Jowhar ayaa la sheegay in dib u habeyn lagu sameynayo, iyadoo sharciyo cusub laga soo saarayo hubka ay wataan ilaalada musharixiinta.

Gudiga doorashooyinka dadban ayaa hakiyay doorashada magaalada Jowhar, waxayna mar kale kale sheegeen in Arbacada 23-ka Novembar dib bilaaban doonto.

Goobjooge.co

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON