Tuesday, October 20, 2020
More

    Taliyeyaasha Ciidamada Mareykanka oo loo karaantiilay cabsi laga cabo inay qaadeen Coronavirus

    Taliyeyaashaugu sarreeya ciidamada qalabka sida ee Mareykanka ayaa shaaciyey inay is karantiileen, kaddib markii sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada ilaalada xeebaha laga helay coronavirus.

    War kasoo baxay Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa lagu sheegay in taliyaasha is kaarantiilay ay ka mid yihiin taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Gen. Mark Milley, ku xigeenkiisa Gen. John Hyten iyo saraakiil sare oo ka tirsan Waaxda Difaaca Mareykanka.

    Ad

    Saraakiishan iyo qaar kale oo ka mid ah taliska ayaa dhawaan xarunta Waaxda Difaaca ee Pentagon-ka kula kulmay taliye ku xigeenka ciidamada llaalada xeebaha Mareykanka Adm. Charles W. Ray, kaasoo laga helay cudurka Covid-19.

    Afhayeen u hadlay Pentagon oo lagu magacaabo Jonathan Hoffman ayaa sheegay in in taliyaasha ciidanka qalabka sida ee Mareykanka laga qaaday Talaadadi shalay tijaabada caafimaadka balse laga waayay xanuunka coronavirus.

    Dhinaca kale iyadoo shaqaalaha iyo maamulayaasha Aqalka Cad u si weyn u halakeeyay cudurkan ayaa waxaa haddana Covid-19 laga helay Stephen Miller oo la-taliya sare ee Madaxweyne Trump, kadib markii uu xalay shaaciyay inuu qaaday xanuunka coronavirus.

    Shaqaalaha Aqalka Cad ee aan weli laga helin cudurka ayaa isaga tegay Aqalka Cad oo hadda u shaqeynaya Guryahooda, waxaana dadka cudurka qaatay ee Aqalka Cad ka shaqeeya ay gaareen ku dhowaad 20 qof.

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    148,683FansLike
    2,047FollowersFollow
    5,645FollowersFollow
    148,683FansLike
    2,047FollowersFollow
    5,645FollowersFollow

    TOP NEWS

    Imaam Max’ed Yusuf oo Digniin culus u diray Cali Mahdi. “Reer Imaam ha isku dirin, haddii kale adigoo sidaan..”

    Imaamka Beelaha Muddulood ee xilka sii haya Imaam Maxamed Yuusuf ayaa digniin culus u diray siyaasiga Cali Mahdi Maxamed oo Muqdisho ka...

    Maxaa Koonfur Galbeed looga reebay Qoraalka Ra’iisal wasaare Rooble u kala diray Maamul Goboleedyada..?

    Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa laga reebay qoraal uu Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya u kala diray maamul Goboleedyada Dalka.

    Imaam ay Beesha Abgaal isku khilaafsan tahay oo lagu duubay Hotel ku yaalla Muqdisho (Warbixin xasaasi ah)

    Waxaa magaalada Muqdisho ka socota xaflad lagu caleemo saarayo Imaam cusub oo Beesha Abgaal yeelato, kadib khilaaf in muddo ah ka taagnaa...

    Xasan Sheekh: “Diyaar ayaan u nahay Doorashada, Afartii sano wax kaleba kama shaqeyneynin…”

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka jawaabay su'aal ku saabsan diyaargarowga Doorashada ee mucaaradka oo muddooyinkan danbe la hadal...

    Ciladihii Xil wareejin la’aanta Kheyre oo kusoo baxay Ra’iisal Wasaare Rooble (Dhagax-dhig yaab leh..!)

    Ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ee aan weli soo Golihiisa Wasiirada ayaa maanta 15-ka Oktoobar 2020 la shaaciyey inuu dhagax...

    Laba ka mida Guddoomiyeyaashii hore ee Gobolka Hiiran oo ku biiray Doorashada Hirshabeelle ee Jowhar

    Iyadoo magaalada Jowhar uu ka socdo ololaha doorashada Baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle ayaa waxaa maanta magaaladaasi gaaray mas'uuliyiin iyo siyaasiyiin kala duwan.

    Saraakiil iyo Ciidamo lagu laayey Weerar Alshabaab ku qaaday saldhig ku yaalla Sh/Hoose (Faahfaahin)

    Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Weerar Alshabaab ku qaadeen Saldhig ay ciidamada dowladda ku leeyihiin agagaarka degaanka Buulallow ee degmada Afgooye,...

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!