Monday, July 14, 2025

Taliyeyaasha qeybaha AMISOM shir dib u eegis ah uga furmay Magaalada Muqdisho

Shir dib loogu eegayo howlgalka AMISOM, Doorashada Soomaaliya iyo howlgallada ka dhanka ah Alshabaab

ayaa u furmay taliyeyaasha qeybaha AMISOM ee Soomaaliya ka howlgala iyadoo ay shir guddoominayaan Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Franis Madeira iyo Taliyaha ciidamada AMISOM Jen. Cusmaan Nuur Subagle.

Shirkan oo magaalada Muqdisho ka furmay  ayaa looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin dib u eegista howlgallada AMISOM iyo arrimaha hor yaala oo ay ugu horeysay sugidda ammaanka doorashooyinka ka dhacaya Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada AMISOM Jeneraal Subagle uu sheegay inay doonayaan xoojinta awoodda ciidamada Qaranka Soomaalida iyo sidii wadajir ay howlgallada ugu sameyn lahaayeen labada dhinac.

Ambassador Madiera ayaa u sheegay taliyeyaasha qeybaha AMISOM in aysan jirin qaab loo joojiyo shaqada AMISOM iyadoo aan la gaarin ujeedkii laga lahaa oo ah soo celinta dowladnimada Soomaaliya.

Taliyeyaasha qeybaha AMISOM ee ka howlgala gobollada dalka ayaa la isugu keenay Muqdisho si taliyaha cusub ee AMISOM ay isu bartaan, isla markaana loo qorsheeyay qaabka cusub ee AMISOM u howlgeli doonaan.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON