Tuesday, June 24, 2025

Taliyihii ciidamada Booliska Maamulka Jubba oo xilkii laga qaaday & Taliye cusub oo la magacaabay [Akhri sababta]

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in xil ka qaadis lagu sameeyay taliyiihii Booliska maamulka Juba  Col. Gaboobe Xasan Barre, iyadoo xilkaasina loo magacaabay Jen. Maxamed Axmed Dhuumaal.

Arrintan oo ku soo beegantay xilli ay waanwan nabadeed u socoto beesha Sade iyo Axmed Madoobe ayaa taliyaha cusub ee Jubbooyinka  oo ka soo jeedo Beesha Sade uu hore u ahaa taliyaha ciidamada Jubbooyinka, ka horna wuxuu noqday taliye ka tirsan ciidamada Soomaaliya.

Dhinaca kale Maareeyaha cusub ee dekadda agaalada Kismaayo ayaa xilkii la wareegay kadib xaflad lagu qabtay Dekadda oo ay goobjoog ka ahaayeen madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubba C/qaadir Lugadheere, guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Jubba.

Maareeyihii hore ee xilka wareejiyay Cabdullaahi Dhubad Shiil Xadhuun ayaa sheegay in dekadda Kismaayo markii uu xilka qabtay ay ahayd mid howsheedu liidatay laakiin  maanta ay ku soo xirtaan maraakiib iyo doonyo sida badeecado oo fara badan, haddana diyaar u yahay inuu xilka wareejiyo.

Maamulka Axmed Madoobe ayaa muddo dheer fashilmay inuu magacaabo golaha xukuumadda Jubbaland, taasoo ay ugu wacan tahay awood qeybsiga iyo Beesha Mareexaan oo ka horjeeday maamulkiisa.

Goojooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON