Taliyihii garoonka Jowhar Cali Xasan Guure iyo Sedex askari ka tirsan ciidankiisa ayaa ku dhintay Qarax miino oo la dhigay wadada isku xirta Jowhar iyo Mahadaay ee Gobalka Shabeellada Dhexe, taasoo lagu tuhunsan yahay inay ka danbeeyeen Alshabaab.
Saddex ka tirsan Ciidanka la socday sarkaalkaas ayaa la sheegay in qaraxa ay ku dhaawacmeen waxaan ku jiray sarkaal kale oo ka mid ahaa askarta, dhaawaca askartaas ayaa la geeyay degmada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelada Dhexe.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka milatariga ee jooga Gobolka Shabeelada Dhaxe ayaa sheegay in goobta miinada lagu aasay ay tahay meel geedoley ah, halkaasoo kal hore sidaas oo kale loogu aasay Miino ay dad ku dhinteen.
Saraakiisha la weeraray ayaa ku socday degmada Mahadaay oo ay kula soo wareegi lahaayeen maleeshiyo Alshabaab ah oo lagu qabtay dagaal ka dhacay degmadaasi.
Goobjooge.com