Thursday, July 3, 2025

Taliyihii hore ee Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed oo Muqdisho ku Geeriyooday

Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal Ismaciil Axmed Ismaaciil ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Marxuumku ayaa muddo dheer ka tirsanaa Ciidamada Asluubta oo uu qeyb ka ahaa qorshihii lagu aasaasay, waxaana tacsi u diray madaxda dowladd Federaalka, mushariixinta mucaaradka iyo mas’uuliyiin kala duwan.

Jeneraal Ismaaciil, ayaa ku dhashay Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag 1948. Magaalada Cadan ee dalka Yeman ayuu waxbarashadiisa ku qaatay. Markii uu Dugsiga Sare oo ahayd waxbarashadii ugu sareysay ka baxay sanadkii 1956. Wuxuu Ingiriisku Waxbarasho ugu diray dalka Suudan iyo UK, kadibna waxaa loo qaatay Booliska.

Markii xoriyadda la qaatay 1960, wuxuu ahaa ciidamada xabsiyada Somaliland. 1961 Ra’iisal wasaarihii dow;adoo rayidka C/rashiid Cali Sharma’arke ayuu u magacaabay taliyaha guud ee ciidamada Asluubta, iyadoo loo xil saaray inuu mideeyo soona dhiso ciidamo asluub ah oo Soomaaliyeed.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Allaha u naxariisto Janaraal Ismaciil Axmed Ismaaciil.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON