Monday, June 23, 2025

Taliyihii hore ee NISA Jen. Tuuryare oo lagu rasaaseeyay Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay rasaas ku fureen gaari uu la socday taliyihii hore ee Hay’adda NISA.

Ciidamada rasaasta furay ayaa isla caawa la dhigay isgoysyada magaalada, waxayna rasaaseeyeen Gaari uu la socday Jen. C/raxmaan Tuuryare xilli uu marayey Isgoyska Mariinada, waxayna wararku sheegayaan inaysan wax dhibaato ah kasoo gaarin rasaastaasi.

Jeneraalka iyo ilaaladiisa ayaa la sheegay inay ka badbaadeen rasaasta lagu furay, ayna safarkooda sii wateen, waxayna arrintan qeyb ka tahay xaaladda kacsan ee Muqdisho ka jirta xilligan.

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarun ka dhigtay agagaarka Isgoyska Mirinaayada, halkaasoo u sidaasoo kale uu degan yahay Senator Muuse Suudi Yalaxow.

“Waxaa caawa 11:00 oo dhiman 5 daqiiqo la igu xabbadeeyay Aniga iyo Gaarigii ila socday anigoo maraya Isgoyska Mariinada, waxaana la ii sheegay in ciidamada na xabbadeeyay ay ahayeen kuwo lagu sheeay Duufaan oo caawa meesha la keenay” ayuu yiri Jeneraal Tuuryare oo caddeeyay inuu arrintan u arko mid isaga loogu dan lahaa.

Ciidamo badan oo ka amar qaata saraakiisha ciidamada ee hoos taga Maxamed Farmajo ayaa caawa la dhigay inta badan isgoysyada magaalada Muqdisho oo qeybo ka mida ay k dhaceen bannaanbaxyo looga horjeedo muddo kororsiga.

AGAASIMAHII HORE HAY’ADDA NABAD SUGIDDA QARANKA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON