Monday, August 25, 2025

Taliyihii hore ee NISA oo noqday Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Taliyihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliya Jen. Cabdullahi Gaafoow Maxamuud ayaa noqday xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, kadib doorasho aan lagu tartamin oo ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Ergo ka kooban 51 xubnood oo beeleed ayaa taageertay Xildhibaan Gaafow, kadib markii uu musharaxii la tartamayey ee Xiirey Muxiyaddiin Cumar uu sheegay inuu u tanaasulay Jen. Gaafow, balse waxaa loo sheegay inuusan tanaasuli karin oo uu codeynta ka qeyb gelayo, isagoo la shaaciyey inuu helay 7 cod, halka Jeneraal Gaafow la sheegay inuuhelay 43 cod.

Guddoomiyaha Guddiga madaxbanaan ee doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ayaa doorashada kadib waxaa ay sheegtay in waraaqaha doorashada ay heyn doonaan muddo Lix bilood ah dacwana laga furi karo, wixii ka dambeeyana  aysan dacwo ka furneyn.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON