Wararka laga helayo saraakiisha NISA ayaa sheegaya in xilkii laga xayuubiyay taliyihii ciidamada nabadsugidda NISA ee Gobolka Banaadir.
Taliye C/xakiim Farey ayaan la sheegin sababta xilka looga qaaday, waxaana la sheegay inuu muddo kooban hayay xilkaasi oo hadda loo magcaabay ku xigeenkiisa.
Waxaa Taliyaha cusub Nabadsugida Gobolka Banaadir loo magacaabay Maxamed Xasan Faarax oo hore u ahaa kuxigeenka taliyaha.
Xil ka qaadistan ayaa soo baxeysa iyadoo hore madaxweyne Xasan Sheekh u soo saaray wareegto lagu caddeeyay inaan saraakiisha sare ee dowladda xilka laga qaadi karin xilligan kala guurka ah.
Goobjooge.com