Wednesday, June 25, 2025

Tallaalkii Covid-19 ee loogu deeqay Somaliya oo Muqdisho soo gaaray. (Sababta dalalka qaarkood u joojiyeen)

Soomaaliya ayaa heshay Qeybtii ugu horeysay Tallaalka Astrazaneca ee Cudurka Covid-19, kaasoo ah deeq ka mida tallaalka Cudurka Covid-19 ee mashruuca COVAX oo ah mashruuc ay samaysay Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO, Isbahaysiga Tallaalka GAVI iyo hay’ad kale oo lagu magacaabo Isbahaysiga Diyaargarowga Cudurrrada Faafa.

Tallaalkan oo ah nooca Oxford Astrazaneca ayaa lagu sameyeyay dalka India, waxaana muddo 9 maalmood ah uu yaallay dalka Kenya markii laga keenay India, taasoo lagu macneeyay arrimo farsamo dartood. Xaflad ka dhacay Garoonka Muqdisho ayaa lagu soo dhoweeyay Tallaalka.

Waxaa Soomaaliya loogu deeqay 300,000 Goojo oo ah qeybtii ugu horeysay ee tallaalka ay sugaysay Soomaaliya oo gaaraya 1 milyan iyo 200 kun. Haddii Soomaaliya ay wada hesho 1.2 milyan ee tallaalka wuxuu taasi ku filan tahay 20% dadka Soomaalida ah. Waxaase laga rabaa inay iibsato tallaalka inta harsan dadkeeda oo ah 80%.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in hay’ado dhowr ah ay Soomaaliya ka kaalmeeyaan inay hesho tallaalkan, iyadoo u mahadcelisay Hay’adda GAVI ee suuragelisay in Tallaalkan Soomaaliya soo gaaro.

Tallaalkan ayaa laga adeegsaday dalal badan oo Yurub, Asia iyo Afrika ah, laakiin maalmihii ugu danbeeyay waxaa soo baxday in dalal Yurub ah ay joojiyeen Tallaalkan, qaarkoodka ay mamnuuceen arrimo la xiriira saameyn uu yeeshay oo ah inuu dhiig xinjiro ah ku sameynayo qaar ka mida dadka qaata Tallaalka.

Dalalka joojinay Tallaalka Astrazaneca waxaa ugu horeeyay Norway, waxaana kadib joojiyey Denmark, Norway, Natherland, Bulgaria, Luxembourg, Estonia, Lithuania, Latvia; waxaana ugu dambeeyay Ireland.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa ku adkeysatay inaan la joojin adeegsiga Tallaalkan, waxayna caddeysan in saameynta Dhiig xinjirowga ay tahay arrin aan caddeyn dhab ah loo heynin.

Bayaan ay soo saartay Shirkadda AstraZeneca ayaa lagu sheegay in Ingiriiska iyo Dalalka Yurub in laga soo weriyey ilaa 15 dhacdo oo ku saabsan dhiig xinjir noqonaya iyo 22 dhacdo oo arrimo kale ah dadkii la tallaalay, laakiin dadka la tallaalay ay gaarayaan 17 Milyan oo qof, isla markaana dhacdooyinka la hayo ay aad u yar yihiin oo aanay caddeyn in tallaalku keenay, sida lag soo xigtay madaxa caafimaadka AstraZeneca Ann Taylor.

May be an image of airplane and outdoors
May be an image of 1 person and standing
Vials with a sticker reading, "COVID-19 / Coronavirus vaccine / Injection only" and a medical syringe in front of a displayed AstraZeneca logo

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON