Dowladda Talyaaniga iyo Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa markii labaad kala saxiixday heshiis ku saabsan in Afka Talyaaniga laga bilaabo Radio Muqdisho, taasoo lagu bedelanayo qalabeyn uu ku sameynayo Istuudiyeyaasha iyo Keydka Raadiyaha.
Heshiiska labaad waxaa maanta xarunta Wasaaradda ku kala saxiixday Wasiirka Warfaafinta, Cisman Abuukar Dubbe iyo Safiirka dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Danjire Alberto Vecchi, waxaana la sheegay in sanadka cusub ee soocda Raadiyaha laga bilaabi doono baahinta Afka Talyaaniga.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa sheegay in heshiiska uu yahay sidii Raadiyaha Qaranka dib markale looga baahin lahaa luuqadda Afka Talyaaniga, isagoo intaa ku daray inay dib u dhis ku sameyn doonaan Istuudiyaasha Raadiyaha iyo Keydka Hadalka ee Qaranka oo habcasri ah loo rogi doono cajaladaha ku keydsan.
“Waxaa maanta halkan lagu kala saxiixday Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya, heshiis ku saabsan sidii Afka Talyaaniga looga bilaabi lahaa Radio Muqdisho sanadka cusub ee 2022, gaar ahaan bisha Janaayo, Xiriirka Radio Muqdisho iyo Talyaaniga waxa uu soo bilowday sanadkii 1951”. Ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta.
Isla heshiiskan waxay hore labada dhinac wasiirka iyo Safiirka u kala saxiixdeen laba bilood ka hor (& Oktoobar 2021), xilligaasi oo la sheegay inuu ahaan heshiis ayaa si rasmi ah oo Raadiyo Muqdisho lagu soo kordhin doono Luuqadda Talyaaniga.
Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Ambassador Alberto Vecchi ayaa xusay in Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga uu ka dhexeeyo xiriir soo jireen ah oo qoto dheer, uuna ku faraxsanyahay in dib Raadiyo Muqdisho laga baahiyo Luuqadda Talyaaniga.
