Monday, July 14, 2025

Talyaaniga oo War kasoo saaray weerarkii lagu qaaday ciidamadiisa jooga Muqdisho

Wasaaradda Gaashaandhigga Talyaaniga ayaa war kasoo saartay qarax ciidamadooda Magaalada Muqdisho lala beegsaday maanta.

Qaraxa ayaa haleelay kolonyo milateri ah oo ah ciidamo Talyaani ah oo maraysay meel u dhow Kulliyadda Jaalle Siyaad xilli ay kasoo baxeen xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, wuxuuna qaraxu ahaa gaari ismiidaamin ah.

Qoraal kooban oo wasaaradda gaashaandhigga Talyaaniga ay soo dhigtay barta twitter-ka ayay ku sheegtay in qaraxaas lala eegtay laba baabuur oo ay saarnaayeen ciidamo kasoo laabtay tababar ay siiyeen ciidamada Soomaaliya.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in wax khasaare ah uusan soo gaarin ciidamada Talyaaniga.

Qaraxaas ayaa la xaqiijiyey inay ku dhaawacmeen saddex qof oo shacab ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON