Tuesday, June 24, 2025

Tartanka K/cagta maamul Goboleedyada oo ka furmay Muqdisho [Puntland oo ku sigatay inay ka baxdo]

Tartanka Kubadda cagta oo noqonaya kii ugu horeeyay ayaa galabta ka furmay magaalada Muqdisho

iyadoo ay ku loolamayaan kooxo ka kala socda lix maamul Goboleed oo Soomaaliya ka jira. madaxweynaha Soomaaliya ayaa furay ciyaartii ugu horeysay goor dhoweyd.

Tartankan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir , waxaana Muqdisho yimid dhammaan ciyaartoyga ka qeyb galeysa Koobka Federaalka ee loo dhigay.

Isku aadka kooxaha ka qeyb galaya tartanka ayaa isbedel badan ku dhacay iyo waliba cidda lagu furayo kadib markii kooxda ka socota Puntland oo la filayay inay ciyaarta ugu horeysa la yeelato galabta kooxda Banaadir ay ka cudur daaratay, iyadoo sheegtay inay ciyaartoydeeda ay daalan yihiin oo aanay galabta ciyaari karin ayna ku sigteen inay qaadacaan.

Arrintaas waxay keentay in la bedelo jadwalka ciyaarta maanta iyadoo ciyaarta ugu horeysa ay isaga hor imaanayaan Banaadir iyo Koonfur Galbeed. Wasaaradda dhalinyarada Puntland iyo xiriirka Kubada cagta Puntland ayaa la qanciyay markii ay ka cabteen inaan lagala tashan sameynta isku aadka ciyaaraha tartanka .

Laba koox ayaa loo qeybiyay trantanka, oo kala ah:

Guruub A

Puntland

Banaadir

Koonfur Galbeed.

Guruub B.

Jubbland.

Galmudug

Shabeeladda Dhexe/Hiiraan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON