Monday, July 14, 2025

TAXANAHA WAQTIYAYSAN DHIBAATOOYINKII XAJKA SANIDIHII 1975 ILAA 2015

TAXANAHA WAQTIYAYSAN DHIBAATOOYINKII XAJKA  SANIDIHII 1975 ILAA 2015

Waxaa xiray tiro badan  oo is buurasho ah iyo dhacdooyin kale oo dhimasho iyo hdwaacayo yo oo ka dhacay goobaha barakaysan ee Sacuudi  Carabiya  ilaa sanadkii 1975-kii, ku dhimashada kumanaan ruux oo xaajiyayaal  xilligada gudashada dhagax tuurka (Jamaraadka)  oo ka dhaca banaanka Mina oo ah magaalada maka Al Mukarama.

isjiir

Sanad waliba Malaaiyiin  qof ayaa isugutaga gooaha barakaysan ee Maka iyo Madiina ee si ay u gutaan Xajka  xafladaha balaaran waxay loo sameeyaan howlo ammaan iyo agab  oo aad u balaaran oo ka hor yimaada mas’uuliyada Baqortooyada  Sacuudi Carabiya  xaaladdaha Xajka  iyo dhacdooyinka ku hareeraysan  ku hareeraysan waxay keenaan shilal iyo bur bur  sida tii ka dhacday is buurashadii Khamiistii  meel u dhow Maka  halkani aan ku eegno dhacdooyinkaas oo taariikhasan iyo dhibaatooyinkii dhimasho iyo dhaawac ee gaystee sanadihii u dhaeeyay 1975 ilaa 2015:

2015: 24 September: At least 310 are killed and hundreds injured in a stampede in Mina, on the outskirts of the holy city of Mecca.

Bishii Sebtember 24teedii 2015: ugu yaraan 769 qof iyadoo in kabadan 900 ku dhaawacmeen is buurasho ka dhacday MINA oo ah banaanka magaalada barakaysan ee Maka Al Mukarama.

Bishii Sebtember 11 keedii 2015: xilligii loo socday gudashada Xajka ugu yaraan 107 qof ayaa  geeriyooday iyadoo ilaa 400 qof ay ku dhaawacmeen kadib markii uu wish ku soo dacay xilli ay cimiladu xumayd iyadoo ay dhibaatadaasi ka dhacday Masaajika Weyn ee  magaalada Maka halkaasi oo ah goobta ugu barakaysaan Islaamka

Bishii Janaayo 12keedii 2006:  in ka badan 360 Xaaji ayaa ku geeriyooday is buurasho ka dhacday MINA kadib markii  Xaajiyaalka ay ka sii baxayeen  dhagax  tuuritaanka shaydaanka ( Jamaraadka ). Maali ka hor bilaabashada Xajka  dabaq ka kooban 8 dabaq oo loo isticmaalyay Hoteel k la degan yahay oo u dhawaa Masaajika Wey nee Maka ayaa  dumay halkaaoo ay ku geeriyoodeen 73 qof.

Bishii Janaayo 6deedi 2006 76 qof ayaa ku geeriyooday h kadib Hotel ayay deganaayeen uu ku yaalay bartamaha magaaladav .

Bishii 22kii Janaayo 2005: Seddex Xaaji ayaa lagu tuntay oo geeriyooday si buurasho ka dhacday MINA

Bishii  Febraayo 1deedii 2004:  Bur bur ku dhacay Xaajiyaal ku sugnaa MINA ayaa waxaa ku geeriyooday 250 Xaaji iyadoo ay boqolaal kale ku dhaawacmeen  maalintii ugu danbaysay kullamada gudashada Xajka.

Bishii FEbraayo 11keedii 2003; 14 qofood oo Mutadawiciin ah ayaa ku geeriyooday maalintii ugu horeysay dhagax tuurka shaydaaanka (Jamaraadka)

BishiiMaarso 5teedii 2001:  Is burasho ka dhacday MINA xilligi maalintii uu danbaysay ee kullamada Xajka ayaa waxaa ku geeriyoo day 35 Xaaji .

Bishii Abriil 9keedii 1998: in ka badan 118 qofood ayaa ku geeriyooday iyadoo 180 kale ku dhaawacmeen si buurasho ka dhacday MINA.

Bishii Abriil 15keedii 1997: 343 Xaajiyaal ayaa ku geeriyooday dab ka kacay Teendhiooyin ku yaalayMINA iyadoo gubashadaaais y saaciday dabaylo xawli sare ku socday in kabadan 1,500 ayaa ku dhaawacantay.

Bishii May 24 keedii 1994: 270 Xaaji ayaa ku geeriyooday si buurasho ka dhacday xilligii Dhagax tuurka (Jamaraadka ) oo ka dhacday MINA, mas’uuliyiinta u xil saarnayd  oo qiimeeyay tirade la diiiwan galiyay ee  Xaajiyaalka ku sugnaa goobta.

Bishii Luuliyo 2deedi 1990: is buurasho aad u darran  ayaa ka dhacday Dhuunta (Tunnel ) la maro ee MINA kadib markii  uu guul daraysatay nidaamka  qaboojinta halkaasoo dilay 1,426 Xaaji kuwaasoo  ka  yimid dalalka Aasiya

Bishii Luuliyo10keedii 1989:  laba weerar ayaa ka dhacay banaanka Masaajidka Weyn   hal qof ayaa ku dhintay iyadoo ay ku dhaawac meen 16 kale. 16 Shiicada Kuwayt ayaa lagu helay danbigaasi toddobaadyo kale waa la dal dalay.

Bishii Luuliyo 31keedii 1987: Xooggaga Ammaanka  Sacuudi Carabiya ayaa ka hor tagay dibad bax aan la oggolaan oo ay qabteen Xaajiyaalka u dhashay  Iiraan in badan 400 qofood oo ay ku jiraan 275 Iiriyaan ah aya u geeriyooday iyadoo loo eegayo tirooyinkii ay saareen rasmi oo ay saareen Saraakiisha sacuudi Carabiya .

Bishii Nofember 20keedii 1979:  Boqolaal rag hubaysan oo ka hor jeeda  dowlada Sacuudi Carabiya  oo ka hor tagtay gudaha Masaajidka Wey nee Maka iyagoo u qabsaday daraasiin Xujey ah,  tirade rasmiga ah ee dhimashada iyo dagaalkii sii raacay ayaa waxaa ku geeriyooday 153 qof iyagoo ay ku dhaawacmeen 560 kale.

Bishii Dismber 1975: Dab aad u baalaran oo ka bilaabmay gaas cuntada lagu karsado oo qarxay goob ay ku sugnaayeen Xaajiyaal oo ku dhow magaalada Maka waxaa ku geeriyooday 200 qofood.

W/T: Maxamed Yuusuf Culusow

Xigasho: theguardian

[ad name=”HTML-1″]

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON