Tuesday, July 15, 2025

Ted Cruz oo buuq ka dhaliyay shirweynihii Jamhuuriga ee caleemo saarka Donald Trump

Musharixii madaxweyne ee Xisbiga Jamhuuriga Senator Ted Cruz ayaa diiday inuu taageero Donald Trump

oo xisbiga Jamhuurigu ay u doorteen inuu noqdo musharraxooda doorashada madaxtinimada ee bisha November dhici doonta, taasoo buuq iyo sawaxan ka dhalisay shirkii Jamhuuriga ee Cleveland.

Cruz ayaa la siiyay khudbad uu ka jeediyo shirweynaha Jamhuuriga, wuxuuna u hambalyeeyay magacaabista musharraxnimada Jamhuuriga ee Donald Trump, laakiin wuxuu ergadii shirka ka qeybgalaysay u sheegay in marka la gaaro doorashada bisha November uu qof walba waxa damiirkiisu hago una codeeyo musharraxa ay ku kalsoon yihiin inuu daacad u noqo doono dastuurka Mareykanka.

Markii hadalkaasi ka soo yeeray Ted Cruz ayaa ergada shirweynaha waxay buuqeen, kuna oriyeen Mr. Cruz. Ninkan oo loolan qayaxan soo dhex maray Donald Trump ayaa gaaray inay is ceebeeyaan iyadoo Trump uu hore u caayay xaaska Ted Cruz iyo aabihii.

Hadalka Cruz, waxaa canbaareeyay siyaasiyiinta kale ee Jamhuuriga oo qaarkood ku tilmaamay nin daneyste ah. Qaar kale ayaa sheegaya in arrintan muujineyso kala qeybsanaanta xisbiga ka dhex jirta, waxaana hareeyay dood ka dhalatay hadalka Ted Cruz.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON