Saxafiyiinta ka howlgala magaalada Kismaayo ayaa cabasho weyn ka keenay Telefishanka cusub ee dhowaan Jubbalanad ay yeelatay, iyagoo sheegay in telefishankaasi xayiraad ku soo rogay shaqadoodii, isla markaana u diiday inay si xor ah wararka uga helaan maamulka Jubba.
Saxafiyiinta ayaa sheegay in markii uu hawada soo galay Jubbaland TV ay gebi ahaan is bedeshay shaqadii saxafiyiinta iyadoo wararka maamulka loo diiday in la siiyo saxaafadda xorta ah, balse loo sheegay inay ka qaataan Telefishanka Jubba, taasoo wax lala yaabo ku noqotay saxafiyiinta ka howlgala magaalada Kismaayo.
Maamulka TV-ga Jubba oo taageero ka helaya mas’uuliyiinta maamulka Jubba ayaa qasab uga dhigay saxafiyiinta iyo dhacdooyinka ka dhaca Kismaayo la siiyo Telefishanka maamulka oo qura, kadibna isaga ay ka sii qaataan warbaahinta kale, waxayna saxafiyiintu sheegeen in xitaa arintaasi ay socon weyday.
Xaalada ka taagan magaalada Kismaayo ayaa ah qaab lagu doonayo in lagu soo caan bixiyo TV-ga maamulka Axmed Madoobe sameystay, laakiin waxaa muuqata inay farsamadaasi ay tahay mid fashil ah oo saxafiyiintii kale xayiraad ku soo rogtay.
Goobjooge.com