Qaar ka mida ururrada saxaafadda ee fadhigoodu yahay magaamada Muqdisho ayaa ka digay in weriye muddo ku dhow 3 bilood u xiran Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya (NISA) la bilaabay in Telefoonkiisa shaqsiga ahaa la isticmaalo.
War ay soo saareen Dalladaha SJS, SOMA iyo SIMHA ayey ku sheegeen inay ka walwalsan adeegsiga sharci darrada ah ee telefoonkii gaarka ahaa ee tifaftiraha Idaacadda Hiigsi, Maxamed Cabduwahaab Nuur (Abuuja) oo ku jira xabsi go’doomin ah tan iyo 7dii Maarso.
“Maalinimadii Axaddii 24ka May, 2020, abbaare 3:06p.m ayaa telefoonka wariye Abuuja lagu diiwaangaliyay aaladda wada-xiriirka bulshada ee IMO, iyadoo farriimo sheegaya in wariye Abuuja uu khadka internetka isticmaalayo loo diray dad ka mid ah qoyskiisa. Markii xubno ka mid ah qoyska ay dib u weceenna lagama jawaabin wicitaankooda…” ayaa lagu yiri qoraalka wadajirka ahaa.
Wariye Maxamed Abuuja waxaa markii ugu horreysay xiray saraakiil ka tirsan Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka (NISA) 29kii Febraayo 2020 kaddib markuu daabacay qormo uu ku dhaliilay ciidamada ammaanka. Waxaa la siidaayey 2da Maarso 2020 isagoo wax dembi ah aanan lagu oogin. Markale ayey saraakiil NISA xireen 7dii Maarso, 2020, waxaana tan iyo xilligaas lagu hayey xabsi go’doomin ah oo aan la ogeyn halka uu ku yaallo. Loomana oggolaanin inuu helo qareen iyo in qoyskiisu arkaan illaa waqtigan.
Sida uu xaqiijiyay Cabduwahaab Nuur Mahdi, oo ah wariyaha aabihiis, waxaa wariyaha laga qaatay telefoonkiisa maalinkii la xiray. Sidoo kale saraakiil NISA ka tirsan ayaa booqday guriga wariye Abuuja iyagoo kasoo qaatay kombuyuutarkiisa gaarka ah.
“Annagoo ka walaacsan in xuquuqdiisa xafidnaanta xogtiisa gaarka ah lagu xadgudbay, ayaan sidoo kale waxaan si weyn uga walwalsanahay ujeeddada ka dambeysa falkan lagu isticmaalayo telefoonka wariye Abuuja. Waxaan rumeysanahay in wariye Abuuja uusan xor ahayn sidaa darteedna ma isticmaali karo telefoonkiisa..” ayaa ka mid ahaa qoraalka.
Waxaa loo digay suxufiyiinta, saaxiibada iyo xubnaha qoyska wariye Abuuja inay ka digtoonaadaan xiriir kasta oo lagala soo sameeyo telefoonka wariye Abuuja ama barihiisa bushada maadaama hadda uusan xor ahayn.
Waxaa kaloo loogu baaqay Hay’adda NISA oo uu xiran yahay weriye Abuuja inay caddeeyeen cidda furatay telefoonka weriye Abuuja iyo ujeeddada laga leeyahay.
