Theresa May ayaa noqotay haweeneydii labaad ee ra’iisal wasaare ka noqota Britian kadib markii uu is casilay
Ra’iisal wasaare David Cameron oo xilka ka degay maanta kana huleelay aqalka looga taliyo dalkaasi ee Downing Street.
Theresa May ayaa iska xaadirisay xafiiska Boqorada Ingiriiska, halkaasoo si rasmi ah loogu magacaabay Ra’iisal wasaare iyadoo laga codsaday inay soo dhisto xukuumad.
Boqorada Ingiriiska Queen Elizabeth II ayaa sharci ahaan xilalka u magacawda, isla markaana aqbashada is casilaadda Ra’iisal wasaarayaasha UK.
Haweeneyda Theresa May ayaa dhaxleysa xaalada adag oo Britian wajahday kadib aftidii uu dalkaasi uga baxay Midowga Yurub.
Akhriso: Maxaad ka taqaan Haweeneyda noqoneysa Ra’iisal wasaaraha Britian Theresa May? [SAWIRRO]
Goobjooge.com