Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da oo ah idaacadii ugi fac weyn ee Afsoomaaliga ku baxa ayaa loo magacaabay tifaftire cusub.
Weriye lagu magacaabo C/llaah Cabdi Axmed oo fadhigiisu yahay magaalada Nairobi ayaa lagu dhawaaqay inuu noqonayo tifaftiraha cusub ee BBC-da Laanteeda Afsoomaaliga isagoo hore u ahaa madaxa shaqaalaha Laanta ee magaalada Nairobi.
Magacaabiddan ayaa timid iyadoo BBC-da laanteeda Af-soomaaliga ay dhowaan u dabaaldegi doonto sanadguuradii 60-aad ee aasaaskeeda iyagoo lagu soo biiriyay Telefishan muuqaal ah oo daqiiqo kooban soconaya.
Madaxda soo martay BBC-da ayaa u badan Soomaalida Kenya, waxaana hadda Kenya ay noqotay fadhiga ugu weyn ee BBC-da iyo halka laga maamulo laanta Afsoomaaliga. Wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriiska ayaa maalgelisa laamaha kala duwan ee BBC-da.