Wednesday, June 25, 2025

Tifaftire cusub oo loo magacaabay TV-ga Qaranka ee SNTV (Akhri dareenka tifaftirihii hore)

Wasiirka Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye)ayaa xilkii ka qaaday tifaftirihii telefeshinka Qaranka ee SNTV  Maxamed Abuukar Ma’da iyadoo xilkaasi loo magacaabay isla maantana uu la wareegay Abuukar Gobdoon .

Tifaftirahii hore ayaa muddo afar sano soo hayay xilkan, waxaana uu ahaa shaqsi aad u degan oo warbaahino badan hore uga soo soo shaqeeyay. Tifaftiraha cusub ayaa isna ka mida saxafiyiinta khibrada leh oo muddooyinkii  danbe ku howlanaa tababarka saxafiyiinta.

Isbedelka ku bilowday madaxda warbaahinta ayaa rajo laga qabaa inuusan ku koobnaan xilalka hoose, balse uu saameyn ku yeesho agaasimeyaasha iyo madaxda kale ee wasaaradda oo muddo dheer soo taagnaa sida agaasimaha guud ee wasaaradda C/risaaq Bahlaawi oo la moodo inuu meesha xaq ahaan loo siiyay. Sidoo kale agaasimeyaasha waaxyaha kala duwan oo qaarkood muddo dheer iska jooga xilka.

HOOS KA AKHRI DAREENKA TIFAFTIRIHII HORE MAXAMED ABUUKAR MA’DA IYO XIL KA QAADISTA

[blockquote style=”3″]Muddo ka badan Afar sano oo aan hayey Xilka Tifaftiraha Telefashinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa ugu dambeyn maanta oo taariikhdu tahay September 17, 2015 waxaan ku wareejiyey saaxiibkey Abuukar Xaaji Gobdon oo uu soo magacaabay Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye). Abuukar Gobdoon waa shaqsi aan xag aqooneed aaminsanahay inuu si fiican mas’uuliyadan uga soo bixi karo, waana kala shaqeyn doonaa (Inshaa’Allaah) siduu u gudan lahaa waajibaadkiisa. Waxaan u mahad-celinayaa Shaqaalaha Warbaahinta Qaranka Wiilal iyo Gabdhaba oo aan ogahay run ahaantii in ay si dhab ah iila qaadeen culeyska shaqadii aan u wada haynay Dalka iyo Dadka, wadajirkeeniina aan wax badan ku soo guuleysanay. Muddadii aan hayey mas’uuliyadda Tifaftirka Telefashinka Qaranka Soomaaliyeed, waxaanan dafiri karin Kalsoonidii iyo Saaxiibtinimadii dad badan hinaasaha galiyey ee aan ku wada shaqeyn jirnay Agaasime Cadaala oo runtii ii mujiyey inuu ka hurdi karo mas’uuliyadeyda, anigana waxaan leeyahay “Sxb, weli garabkaaga ayaan taaganahay, xilkii ayaan banneeyey mooyee shaqadii ma banneynin, xirfadeydana waan kugula sii shaqeyn doonaa anigoo qof caadi ah. Inshaa’Allaah”. Saaxiibo badan ayaa ii muujiyey iney ila jeclaan lahaayeen inaan sii joogo xilkii aan hayey, lkn xaqiiqdii aniga aad baan usoo dhoweeyey Isbeddelka waayo tan iyo 2009-kii oo aan kusoo biiray Warbaahinta Qaranka mas’uuliyad aan har iyo habeen laga seexan karin ayaan usoo qabtay Raadiyaha iyo Telefashinka, balse hadda waxaad mooddaa in aan u baahanahay jawi midaas ka badalan, waayo farqi weyn ayaa u dhaxeeya markii aad xil noocaas oo kale ah hayso iyo markii aad tahay qof caadi ah oo ay kooban tahay mas’uuliyadda laga rabo. Isbeddelkan waxaa dhici karta inuu dawo iyo caloolsami u noqonayo dad badan oo meel silloon wax ka fiirinaya kuwaasoo fikriyan qabi kara inaan xilka ku raagay. laakiin muhiimaddu Xilka maahee waa Xirfadda.[/blockquote]

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON