Waxaa weli socda toogashada xukunsanayaal ka mida Alshabaab oo maalmihii ugu danbeeyay lahu fulinayey Dil toogasho ah, kadib markii ay sanado badan ahaayeen Dil-sugayaal.
Waxaa saaka Dugsiga Booliska Toogasho lagu filiyey Cabdulle Axmed Muudey oo 24 sano jir ah iyo Cumar Aadan Maxamed, 29, oo hore loogu helay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, iyagoo ka danbeeyay dilka labo ka tirsan ciidamada amniga.
Cabdulle Axmed ayaa lagu helay inuu dilay Cali Cabdulle Maxamed oo ka tirsanaa ciidamada amniga bishii November 2019, halka Cumar Aadan Maxamed ayaa isna lagu helay inuu dilay Cabdullaahi Maxamed Hilowle bishii Oktoobar 2019.
Maxkamadda ayaa xukunkaas ku ridday labadooda bishii Diisambar 2020. Dilka labadan ayaa ka dhigaysa maleeshiyada la toogtay maalmihii kasoo dhaafay 10, kuwaasi oo lagu helay dilka askar iyo shacab.
