Monday, June 23, 2025

Tirada ciidamada Mareykanka ee ka howlgala Soomaaliya oo la shaaciyay & Shaqadooda

Dowladda Mareykanka aya sheegtay in howlgalkeeda Soomaaliya ee tababarka Ciidamada Dowladda iyo la-talinta hadda in loo weeciyay goobaha dagaallada tooska ah ay ka socdaan.

Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Africom. Thomas Waldhauser,ayaa sheegay in Ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya ay qatarta ku korortay sidaa darteedna loo baahday in ay faraha ay la galaan dagaalada ka dhanka ah wax ay ugu yeereen Argagixisada.

africom

“Marka aad dooneyso in aad beddesho wajiga hore ee tababarka Ciidamada iyo la talinta waxaad wajaheysaa Qatar nafta ah, waxaana fahamsannahay in uu jiro weerarro xirfad sare leh oo ay fulinayaan Al-shabaab,sidaas darteed waxaan dareemeynaa Qatar dhanka amniga ah waxaana u baahannahay in aan wax ka beddelno howlgalkeenna” ayuu yiri Thomas oo ku sugan Magaalada Stuttgart ee Dalka Germany oo ah xarunta ugu weyn oo ay leeyihiin Ciidanka AFRICOM.

Sanadkan 2016-ka ayuu sheegay in Ciidanka Mareykanka ee jooga Soomaaliya ay fuliyeen 14 Weerar oo Cirka ah oo lagu bartilmaameedsanayay hogaamiyayaasha Al-shabaab iyo goobaha ay ku tababartaan, waxaana uu intaa ku daray in weli Al-shabaab ay qaadayaan weerarro qorsheysan.

Sanadihii ugu dambeeyay ayuu sheegay in ay Dowladda Mareykanka xoogga saartay dhismaha iyo qalabeynta Xoogagga gudaha ee Dowladda Soomaaliya,iyagana ay ka caawinayeen tababarka iyo howlgallada gaarka ah,waxaana ka mid ahaa sida loo ka xeeyo Gaadiidka dagaalka,sida loo adeegsado hubka iyo sida loo fuliyo howlgallada gaarka ah.

200-300 oo Ciidanka gaarka ah ee Mareykanka ayuu sheegay in ay hadda joogaan Soomaaliya Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM-na ka caawiyaan la talinta amaanka,waxaase uu sheegay in meelaha qaar Ciidanka Mareykanka ay ku lugyeeshaan dagaallada dhulka ah si ay u dhimaan qatarta dhanka amniga ah ee lataliyayaashooda ay wajahayaan.

Ugu dambeyn Jen Thomas waxaa uu sheegay in ujeedada howlgalka AFRICOM ee Mareykanka uu yahay in Ciidamada dowladda tababar dhameystiran ay helaan kaligoodna fuliyaan weerarrada ka dhanka ah Al-shabaab marka ay Ciidamada AMISOM ka baxaan Soomaaliya 2 Sano ee soo socota.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON