Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay dad cusub oo cudurka COVID-19 laga helay gudaha 24-kii saac ee ugu danbeeyay markii baaritaan la sameeyay.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in degaaada Soomaalida cudurka laga helay maanta dad gaaraya 61 kiis oo cusub, waxaana ugu horeeya Somaliland oo laga Helay: 25 qof, halka Koofur Galbeed laga helay: 24 ruux iyo, Banaadir 13, Puntland 5; Jubbland 3 iyo Galmudu 8 qof.
Waxaa cudurka Coronavirus kasoo bogsaday 26 qof, iyadoo trada Guud dadka laga helay Covid-19 ay Soomaaliya gaartay 2,513> qof, waxaan ka bogsaday guud ahaan: 532, Geerida waxay mareysaa 85 ruux.
